Guddiga doorasho-ku-sheegta kooxda Villa Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka heer federaal, kaas oo dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto 15-ka April 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddada xil-haynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, oo ka bilaabmaysa maalinta xilka loo dhaariyo. Waxaana durtaba soo baxay diidmo xooggan oo laga muujiyey go’aanka guddida doorashooyinka.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga fal-celiyay jadwalka doorashada heer federaal ee maanta la shaaciyey.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka horyimid jadwalka iyo doorasho-ku-sheegta uu shaaciyey guddida doorashadu, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wadaan boob doorasho iyo weliba awood-sheegasho.
"Calool waxay ku bukootay kuma bogsato” Cudurka sababay burburka Soomaaliya wuxuu ka bilaawday doorasho la boobay iyo awoodda dowladnimada oo si qaldan loo adeegsaday. Afartan sano kaddib, Xasan Sheekh wuxuu doonayaa in isla cudurkii uu daawo ka dhigo mana dhacayso! Alloow yaa talo maalinteeda qaata,” ayuu yiri Maxamed Aadan Koonfi.
Farmaajo, madaxii hore ee Villa Soomaaliya ayaa isna si adag uga hor-yimid go’aanka guddida doorashada, waxaanu sheegay in tallaabadani ay halis gelinayso mustaqbalka dalka iyo daba-dhilifyada Soomaaliya.
"Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha." Ayuu yiri Farmaajo.
Si kastaba, tallaabadan ay maanta qaadeen guddida doorasho-ku-sheegta ayaa kusoo aadaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka xooggan ee ka dhashay hannaanka doorasha ee ka dhex aloosan kooxda Villa Soomaaliya iyo isbahaysiga mucaaradka.
